Wararka

RW Rooble iyo wafdigiisa ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee DG Puntland…


Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, Kuxigeenkiisa, Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo qaybaha bulshada.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Somalia ee Magaalada Garowe ayaa la xiriira xal u helidda khilaafka hareeyay Doorashooyinka Qaranka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Isniintii sheegay in uu socdaal ku soo mari doono Magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Waa safarkiisii labaad oo Ra’iisal Wasaaruhu ku taggo mid ka mida magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo uu bishii hore gaaray Magaalada Baydhabo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: