Wararka

Gudd. Mursal ayaa sheegay in uusan dalku geli dooni firaaq dastuuri ah oo Baarlamaanka…


Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa mar kale ku celiyay in uusan dalku geli doonin firaaq dastuuri islamaarkana Barlamaanka hadda jira uu sii joogi doono inta laga dhaarinayo Barlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha Barlamaanku waxa uu sheegay in dastuurka kumeel gaarka ah uusan marna oggolaanayn in uu dalku galo marxad firaaq ah, isagoo intaas ku daray in barlamaanka 10-aad uu awood uu lahaan doono inuu shaqadiisa caadiga ah sii wato.

Wuxuu guddoomiyuhu xildhibaanadda horkeenay xeer uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh, kaasoo Barlamaankii 9-aad ee xilligaas jiray awood u siinayay in ay hawshooda sii gutaan.

“Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Barlamaankii 9-aad ee xilligaas jiray iyagoo ka cararayay in firaaq dastuur uu yimaado, waxay isla qaateen in barlamaanku sii shaqeeyo illaa 27-kii December 2016, “ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo murashixiinta madaxtinimada qaarkood ay sheegeen in haddii uu dhamaado muddo xilleedka hay’addaha dastuuriga ay u aqoonsan doonaan in uu dalku ku sugan yahay marxalad firaaq ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: