Wararka

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday dacwad gobolka Texas u gudbiyey oo ku…


Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa diiday dacwad uu gudbiyay Gobolka Texas, kaasoo la doonayay in lagu laalo codbixintii ka dhacday illaa afar Gobol oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Gobolada ayaa kala ahaa Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin, waxaana dacwada gudbiyay Gobolka Texas, kadib markii 100 mudane ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ay taageereen.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa sheegtay in Gobolka Texas aanu awood sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno afarta gobol ee kala ah Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Arrintan ayaa waji gabax ku noqotay Donald Trump oo muddooyinkii u dambeeyay ku doodayay inuu dacwado ka dhan ah natiijadii cod bixinta doorashada uu ku guuleystay Madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: