Wararka

RW Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxda DG Puntland si uu ugu qanciyo…


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka oo ahaa mid albaabada u laaban, ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Ra’iisal wasaare Rooble oo masuuliyadda ugu weyn ee saaran ay tahay inuu ka shaqeeyo mashruuca doorashada, ayaa doonaya inuu xal ka gaaro khilaafka iyo cabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Waxaa uu tallaabada ugu horeysa ka billaabay inuu la kulmo madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si uu uga qanciyo tabashadooda.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: