Wararka

Muuse Biixi oo casuumad rasmi ah ka helay dowlada Kenya ayaa gaaray Nairobi…


Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muusa Biixi Cabdi ayaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka helay caasumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, ayaa si kooban u sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi uu Isniinta berito ah wadahadal la yeelan doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sheegtay in wada hadalku ahaan doono labo dal oo danahooda ka xaajoonaya.

Waa booqashadii labaad oo madaxweyne Somaliland ah ku tago Kenya, Daahir Riyaale Kaahin ayaa sidaas oo kale tagay sanadkii 2006.

Kenya ayaa Somaliland ku tilmaamtay saaxibo muhiim u ah gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Socdaalka Muuse Biixi uu ku tagay Nairobi ayaa kusoo aadaysa xilli uu meel xun gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: