Wararka

Shir looga hadlayo arrimaha amniga doorashooyinka dalka ayaa lagu daah-furay…


Shir looga hadlayo arrimaha amniga doorashooyinka oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa waxaa daah furay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha guddiga Amniga Doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya saraakiil ka socta xafiiska madaxweynaha, kan Ra’iisal wasaaraha, taliyayaasha Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in shirkan uu sii socon doono ilaa 15ka bishan, iyadoo dhinacyada ka qeybgalaya isla gorfeyn doonaan arrimo la xiriira sugida Amniga madaama dalka ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinka heer Qaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar-garoow ugu jirta sidii ay dalka doorasho uga dhici laheyd ka hor muddo xilkeedka madaxtooyada oo ku eg 08 bisha February sanadka 2021ka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: