Taageerayaasha Trump iyo qolo ka soo horjeeda ayaa isku farasaaray Washington oo…

Dhowr ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan oo mindiyeed ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay goobaha caafimaadka kadib markii habeenkii xalay ay magaalada Washington isku fara-saareen taageerayaasha madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ee Donalad Trumo iyo qolo kasoo horjeeda.
Sida ay wararku sheegayaan afar ka mid ah taageerayaasha Trump oo kasoo jeeda kooxda la magac-baxday Proud Boys ayaa mindi la geliyay, waxaana ay booliska sheegeen in ay xireen dad gaaraya ilaa iyo 23 ruux oo 6 ka mid ah lagu eedeeyay in ay booliska gacan u qaadeen.

Rabshaddan ayaa ka bilaabatay dibedbaxyo iska soo hor jeeda oo magaaladaasi ka dhacay habeenkii xalay.
Sidoo kale labo boolis ah ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray rabshadan.
Kumannaan dibedbaxayaan taageersan Trump ayaa maalinkii shalay oo Sabti aheyd waxaa ay isugu soo baxeen caasimadda Washington si ay taageero ugu muujiyaan madaxweyne Trump islamarkaana doorashada dib loogu celiyo.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com