Wararka

Dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dhacdadii lagu laayey saraakiisha oo…


Guddi loo saaray dhawaan in ay baaritaan ku sameeyaan saraakiishii dhawaan lagu laayay weerar dhab-gal ahaa oo ka dhacay gobolka Galguduud ayaa soo saaray war hor dhac ah.

Cabdi Maxamed Jaamac ( Waayeel ) Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka mid ah guddigan ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada dilka saraakiisha.

”Saraakiisha la dilay waxaa ay ahaayeen kuwo u shaqeynayay Qaranka, waxaa naga go’an in ay soo qabanno kuwii ka danbeeyay weerarka si cadaallada loo horkeeno ayuu yiri Wasiirka.

Taliska ciidanka militariga Soomaaliya ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad ku laheyd aano Qabiil iyaga oo taa badalkeeda sheegay in weerarkan ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: