Wararka

Dowladda Somalia ayaa Ururka IGAD u gudbisay warqad ka dhan ah Dowladda Kenya…


Dowladda Somalia ayaa warqad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, oo ay ku mideysan yihiin Dowladaha Geeska Afrika.

Qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in warqadaasi loo gudbiyay Abdalla Hamdok, Ra’iisal Wasaaraha Sudan ahna Gudoomiyaha Golaha IGAD.

Qoraalka laguma sheegin waxa ay daareyso warqadaasi ka dhanka ah Kenya, balse waxaa lagu sheegay in 20-ka bishan ay IGAD shir ka yeelan doonto arrintan, kaasi oo ka dhici doono Jamhuuriyadda Jabuuti.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyada oo uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi gaaray Magaalada Nairobi, maantana la filayo inuu kulmi doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Somalia ayaa 29-kii bishii hore ee November u yeeratay Safiirkii Kenya u joogay, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, halka Safiirkii Kenya ee dalka u fadhiyay, Amb. Lucas Tumbo lagu wargeliyay in dalkiisa uu wadatashi ugu laabto.

Somalia ayaa Kenya ku eedeysay in ay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, isla-markaana ka hor imaanaya hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: