Wararka

MW Farmaajo ayaa casho sharaf ku maamuusay xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf ku maamuusay Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Casho sharaftan oo ka qabsoomtay Madaxtooyada ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Casho sharafta ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiye Mursal iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeysay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: