MW Kenyatta ayaa martigeliyey wada hadalo labo geesood ah oo u dhaxeeya Kenya iyo…
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta marti galiyay wada hadalo laba geesood ah oo u dhaxeeyay Kenya iyo wafdigii ka socday Somaliland ee uu hogaaminayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Labada Madaxweyne oo ay wehliyaan guddi labo geesood ah ayaa wadahadalo ku saabsan iskaashiga amniga, ganacsiga & arrimaha danaha wadaagga ah uga bilowday magaalada Nairobi.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka aqalka madaxtooyada Kenya Kanze Dena-Mararo ayaa lagu sheegay in wadahadalada la soo gabagabeyn doono maalinta talaadada ah ee berito.
Wada hadalkan u furmay Kenya iyo Somaliland ayaa imaaneya iyadoo xiisad siyaasadeed oo kacsan ay ka dhex taagan tahay Kenya iyo Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay urur goboleedka IGAD.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com