PSG iyo Barcelona ayaa isku beegmay tartanka Champions League ee wareegga 16ka…
Isku aadka wareega 16ka UEFA Champions League ayaa la sameeyay waxaan lagu arkay isku aad cajiib ah si loo bilaabo tartanka knockout.
Seddex koox oo Premier League ah oo u soo baxay tartanka ayaa seddaxdooda waxay ku aadeen kooxo adag.
Manchester City ayaa wajihi doonta Borussia Moncehngladbach, halka Liverpool ay la ciyaari doonto RB Leipzig halka Chelsea ay la kulmi doonto Atletico Madrid.
Labada kooxood ee Chelsea iyo Liverpool ayaa ku aaday kooxo adag, halka Man City ay ku faraxsan tahay kooxda lagu soo aadiyey. Barcelona v PSG ayaa ah isku dhaca ugu weyn, madaama Real Madrid, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Juventus ay u muuqdaan inay ku aadeen kooxo la is leeyahay wey maquunin karaan inkastoo kubbada cagta aan la isku haleyn karin.
Lugta hore ee ciyaarahan waxaa la ciyaari doonaa Febraayo 16-17 iyo 23-24, halka lugta labaad la ciyaari doono 9-10 iyo 16-17 Maarso.
Isku aadka Champions League wareega 16ka
Borussia Monchengladbach v Manchester City
Lazio v Bayern Munich
Atletico Madrid v Chelsea
RB Leipzig v Liverpool
FC Porto v Juventus
Barcelona v Paris Saint-Germain
Sevilla v Borussia Dortmund
Atalanta v Real Madrid
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com