Wararka

RW Ethiopia ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagey xarunta Tigrey ee Mekelle…


Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa booqday magaalada xarunta u ah Ismaamulka Tigrey ee Mekelle markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamada federalka Ethiopia qabsadeen 29kii bishii aynu ka soo gudubnay.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu Abiy Ahmed ku sheegay in uu kula kulmay Mekelle taliyaasha ciidamada milatariga iyo maamulka cusub ee gobolka Tigrey dhowaan ay u sameysay dowlada Ethiopia.

“Biyihii iyo korontadii dib ayay ugu soo laabteen Mekelle,ciidamaduna waxa ay ku raadjoogaan madaxdii jabhadii TPLF.”ayuu qoraalkiisa ku sheegay Abiy Ahmed.

Booqashada Abiy ee magaalada Mekelle ayaa ku soo beegantay xilli uu caasimada dalka Ethiopia uu gaaray Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok isagoo doonayay inuu heshiis xabad joojin ah dhex dhigo dowlada Ethiopia iyo ururka TPLF, hase yeeshee dowladda Ethiopia ayaa ku gacan seyrtey iyadoo sheegtay inuusan jirin dagaal socda loona baahneyn xabad joojin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: