Wararka

Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ee Puntland ayaa Maxkamada sare xukun ka soo…


Maxkamada sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun kama dambays ah kasoo saartay dacwada siddeed xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka Puntland, kuwaas oo horaantii bishan xasaanadii laga qaaday.

Maxkamada ayaa ayiday go’aankii barlamaanka Puntland, waxayna amartay in la diyaariyo xubnihii xildhibaanadaas bedeli lahaa, iyadoo loo marayo hannaankii lagusoo xuli jiray golaha wakiiladda.

Waxay maxkamadu sidoo kale ku xukuntay xildhibaanada xasaanada laga qaaday in ay bixiyaan magdhowga hanti dowladdeed oo ay burburiyeen intii ay socotay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday barlamaanka.

Xildhibaanada lagu riday xukunkan, ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin go’aan kasta oo ay u arkaan sharci darro, iyagoo horey walaac uga muujiyay dhexdhexaadnimada masuuliyiinta garsoorka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12914 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: