Wararka

Dibadbaxyo iska soo horjeeda ayaa ka socda meelo badan oo ka tirsan magaalada Mogadishu…


Dibadbaxyo iskasoo horjeeda oo ay soo kala abaabuleen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo murashixiinta mucaaradka, ayaa haatan ka socda meelo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Meelaha qaarkood, waxaa jira isku dhac dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo kor ka ilaalinaya dibad baxa dowladda looga soo horjeedo.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay isku dhaca labada ciidan, hase yeeshee, magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah, iyadoo dowladdu heegan galisay ciidankeeda amniga si ay uga hortagaan rabshadaha ka dhalan kara dibad baxyada.

Mudaharaadka dowladda looga soo horjeedo oo hal ku dhig u ah,’ dooni mayno boobka doorashada,” ayaa waxaa iclaamiyay murashxiinta madaxtinimada oo sheegay in ay kasoo horjeedaan sida dowladdu u wado hannaanka doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: