Wararka

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo Guddiyada…


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtigan diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo Guddiyada Doorashada ee khilaafku ka taaggan yahay.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeedinayay Tayaatarka Qaranka ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo xubnaha qaar guddiyada dareenka laga qabo.

Waxaa uu ka dalbaday madaxda dowlad gobolleedyada iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso doorashada in la fuliyo heshiiska doorashada dadban ee horey leysugu afgartay,

Hadalka Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ayaa imanaya xili maanta magaalada Muqdisho ka dhaceen rabashado iyo iska horimaadyo ka dhashay dibadbaxyo iska soo horjeeda oo ka dhacay caasimada.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay dowladda Kenya in ay ka dambeyso in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ka hor yimaado heshiiskii doorashada.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay Kenya in ay culays xad dhaaf ah ku saareen Axmed Madoobe inuu dood cusub ka keeno qeybta uu ku lahaa heshiiska doorashada.

Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu tilmaamay in ay Soomaaliya garnaqsi dheer ka galidoonto faragalinta Kenya ay ku hayso midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya ayna ku kala bixi doonaan shirka IGAD.

“Bahdilka ay Kenya ku hayso Soomaaliya iyo dadkeeda, waxay soo dhaaftay alamtara, ugu dambayna waxay nagu kaliftay in aan guud ahaanba xiriirkii u jarno,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dowladda Kenya oo maanta hadashay waxay sheegtay in aysan qaadidoonin tallaabo lamid ah tan ay Soomaaliya qaaday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12893 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: