Wararka

Cumar Filish: Waad arkeyseen in kuwo indhaha u xiran oo ka dhax dagaalamaya magaalada…


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud [Cumar Filish] ayaa ka digay in qalalaase amni darro lagu abuuro gobolka Banaadir gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imanaya xili maalintii shalay ay caasimada ka dhaceen dibadbaxyo meela qaar leysku adeegsaday rasaas iyo hub culus, taasoo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cumar Filish ayaa sheegay in raggii shalay ka dhax dagaalamayay magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay ahaayeen kuwo u adeegaya danaha Kenya, waxaana uu ka digay in mar kale arrimahaa oo kale soo noqdaan.

”Waad arkeyseen in shalay kuwo Indhaha u xiran oo ka dhax dagaalamaya magaalada, waa kuwo u adeegaya danaha Kenya ay ka leedahay Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Filish.

Dhinaca kale Qoraal xalay ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in dowladdu rasaas u adeegsatay dad shacab oo aragtidooda cabirayay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: