Wararka

Biixi: Waxay noo fureen albaab wanaagsan, albaab dhib yar oo ictiraafku ku imanayo…


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay dib ugu laabtay magaalada Hargeysa kadib booqasho dhawr maalmood ah oo uu ku joogay dalka Kenya ayaa ka waramay waxyaabihii uu kala soo kulmay madaxda dowladda Kenya.

Isaga oo warfidiyeenada uga jawaabayay weydiimo kala duwan ayuu ka warceliyay su’aal ku saabsanayd sida uu u arko hadalhaynta ku saabsan in Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya sababo la xiriira booqashada uu ugu tagay, wuxuuna yiri “Qudhayadu waxa ay inoo fureen albaab wanaagsan, albaab dhib yar oo citiraafku ku imanayo, 54-ta dowladood ee Afrikaba maalinba mid ayaan u tagaynaa, iyagana waa u jarayaan, anagana waan badeli doonaa, aniga saas baan u arkaa”.

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in ay tahay markii koowaad oo ay heshiis rasmi ah la galaan Kenya, islamarkaasna war murtiyeed lagu soo saaray waxyaabaha lagu heshiiyay, isaga oo taas ku tilmaamay guul weyn.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: