Wararka

Ciidamo hubeysan ayaa la sheegay in lagu arkay qeybo ay ka deggan yihiin Midowga Musharaxiinta…


Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah xaafaddaha iyo Aagaga ay deggan yihiin Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa qeybo ka mid ah degmada Wadajr iyo xaafadda Buula-xuubey sida Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, dhamaanba waddooyinka soo galla xaafaddahan oo ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin xubnaha mucaaradka ah.

Dhinaca kale War ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa tallaabadan ay qaaday dowladda ku tilmaamay daan-daansi dagaal, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo qaadanayo mas’uuliyada cawaaqibka ka dhaqan kara dhaqdhaqaaqyada militari ee socda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: