Wararka

Dowladda Somalia ayaa ku amartay diblomaasiyiinteeda jooga Nairobi inay dalka ku…


Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku amartay Dilomaasiyiinteeda ka jooga magaalada Nairobi in ay si deg deg dalka ugu soo laabtaan, kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa lagu faray dhamaanba Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in muddo 5 cisho ah ku soo galaan dalka, gaar ahaan waxaa fariintan loo diray shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Fariintan ayaa imaneysa xili halkii ugu xumaa uu gaaray xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya in ay faragalin ku heyso madax-bannaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo guud ahaan arrimaha siyaasadda dalka.

Laakiin dowladda Kenya wey iska fogeysay eedeyntaa uga timid dowladda Soomaaliya, waxeyna Kenya sheegtay in ay ku dadaali doonto soo celinta iyo hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: