Wararka

Jidadka muhimka u ah isku socodka gaadiidka ee Mogadishu ayaa maanta xiran sababo…


Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa xiray jidadka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira cabsi laga qabo dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka dhaca magaalada.

Jidadka muhiimka sida Waddada Maka-Al-Mukarama, Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba oo dhamaantood lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa maanta in magaalada lagu qabto dibadbax taageero loogu muujinayo DFS, hase ahaatee taa badalkeeda waxaa laga war helay qorshe kale oo ah in la qabanqaabinayo dibadbax looga soo horjeedo isla dowladda waana tan keentay in gabi ahaanba dibadbaxyadaasi la joojiyo.

Maalin ka hor ayey aheyd markii qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabashado watay iyo iska horimaadyo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo taageersanaa dibadbaxayaasha waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: