Wararka

Muwaadin Kenyan ah oo loo heysto inuu maleegayey afduub diyaaradeed ayaa maxkamad…


Muwaadin u dhashay Kenya oo loo haysto inuu ka tirsan yahay al-Shabaab tababar duuliyana ku soo qaatay Filibiin ayaa lagu soo oogay dambiyo argagixisanimo, oo ay ka mid tahay inuu maleegayay afduub diyaaradeed oo lamid ah weerar u eg kii 9/11.

Cholo Abdi Abdullah, oo 30 jir ah ayaa laga qabtay Filibiin bishii July ee sanadkii 2019 waxaana la keenay Mareykanka Talaadadii si uu u wajaho lix dambi oo la xiriira argagixisanimo.

Dhageysiga dacwada oo bilowday subaxnimadii Arbacada, Abdullah wuxuu u sheegay garsooraha maxkamada Mareykanka in uusan wax dambi ah galin. Qareenkiisa difaacaya ayaa ku raacay garsooraha in Abdullahi uu xabsiga kusii jiro inta laga dhageysanayo bisha Janaayo.

Audrey Strauss, oo ah ku simaha qareenka Manhattan Mareykanka, wuxuu sheegay in Abdullahi uu tababar duullimaad ah ku soo qaatay Filibiin isagoo qayb ka ah shirqoollada al-Shabaab ee loogu diyaar garoobayo afduubka diyaarad ganacsi, si loogu weeraro dhisme ku yaal Mareykanka.

Intii uu ku jiray tababarka duulimaadka, waxaa lagu eedeeyay inuu baaray sida loo afduubto duulimaadyada diyaaradaha ganacsiga, oo ay ku jirto sida loo jebiyo albaabka.

Sida ay dacwad oogeyaashu sheegeen. Wuxuu sidoo kale baaray macluumaad ku saabsan dhismaha ugu dheer Mareykanka iyo sida loo helo fiisaha Mareykanka.

Haddii dambigan lagu helo wuxuu ugu badnaan wajihi karaa xukun xabsi daa’in ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12809 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: