Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo xarunta…


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa soo dhoweeyay wafdiga Guddoomiye Maxamed Mursal, iyadoo loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb galaya munaasabada sanad guurada labaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha DG Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Safarka Guddoomiye Mursal ku tagay Baydhabo iyo ka qeyb galkiisa munaasabadda sanad-guurada labaad ee doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo afjareysa khilaaf muddooyinkii u dambeeyay isaga iyo Lafta Gareen u dhaxeeyay, taasoo ku qotontay doorashada kursiga Baarlamaanka iyo arrimo kale.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12915 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: