Wararka

Xiddiga reer Poland Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu…


La iskuma khilaafsna in xiddiga reer Poland Robert Lewandowski, gooldhaliyaha ugu sareeya Bayern Munich, uu u qalmo inuu noqdo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka xilli ciyaareedka 2019-2020, ka dib markii uu kooxda Bavaria ku hogaamiyay seddexleyda taariikhiga aheyd.

“Lewandowski” waxaa la tartamayay xiddiga reer Portugal Cristiano Ronald, gooldhaliyaha ugu sareeya Juventus, iyo xiddiga reer Argentina Lionel Messi, kabtanka Barcelona.

Gantaalka Madeira, oo kooxdiisa kula guuleystay Horyaalka Talyaaniga, ayaa galay kaalinta labaad, halka Messi kooxdiisa kaalinta labaad ka gashay horyaalka La Liga, uu galay kaalinta saddexaad.

Marka loo eego codbixinta, Messi ayey doorbideen tababarayaasha, maadaama uu ka helay 196 cod marka loo fiiriyo 186 oo uu helay Ronaldo, halka kan dambe oo ah Ronaldo uu ka helay 259 cod hogaamiyaasha xulalka marka loo barbardhigo 207 cod oo Messi helay, sidoo kale Ronaldo wuxuu ku guuleystay cododka dadweynaha isagoo helay qiyaastii 458 kun, halka Messi uu helay 357 kun, halka Lewandowski uu ugu sareeyo dhammaan noocyada codbixinta.

Lewandowski ayaa ku guulaystay abaalmarinta kadib markii uu liiska ku hogaamiyay 52 dhibcood, waxaana ku soo xigay Ronaldo oo helay 38 iyo Messi oo kaalinta saddexaad galay oo helay 35 dhibcood.

Lewandowski: 52 dhibcood
Ronaldo: 38 dhibcood
Messi: 35 dhibcood
Senegal- Sadio Mane: 29 dhibcood.
Belgium- Kevin De Bruyne: 26 dhibcood.
Masar- Mohamed Salah: 25 dhibcood.
France- Kylian Mbappe: 19 dhibcood.
Spain- Thiago Alcantara: 17 dhibcood.
Brazil- Neymar: 16 dhibcood.
Netherlands- Virgil van Dijk: 13 dhibcood.
Spain- Sergio Ramos: 7 dhibcood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12894 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: