Wararka

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in si weyn loo adkeeyay, iyadoo la filayo…


Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka Madaxtooyada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ammaanka ayaa hakad geliyay isku socodkii gaadiidka ee magaalada, iyadoo sidoo kalana aad loo xadiday dhaqdhaqaaqa dadka ee wadooyinka soo gala Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in caawa Madaxtooyada lagu qaban doono munaasabad lagu xusaayo sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Wasiiro iyo Xildhibaanaba leh ayaa Jimcihii gaaray Magaalada Baydhabo, si ay uga qaybgalaan munaasabadaasi.

Maanta oo kale 19-kii bishii December ee sanadkii 2018 ayaa Madaxweyne Lafta-gareen loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: