Wararka

Mourinho ayaa difaacay laacib si xun loogu weeraray baraha bulshada kadib markii…


Jose Mourinho ayaa difaacay una sheegay laacibka Steven Bergwijn inay dhamaantood ay wada jiraan, ka dib markii weeraryahanka uu kala kulmay dhaleeceyn xun dhinaca baraha bulshada ka dib markii labo fursadood oo gool loo fishay khasaariyey kulankii Tottenham ay guuldarada 2-1 ka soo gaartay ee Liverpool Isbuucan.

Kooxda heysata horyaalnimada Premier League Liverpool ayaa sameysay intii ay raadineysay, iyagoo dhaliyay gool soo daahay oo uu u dhaliyay Roberto Firmino, taasoo ka dhigtay in Spurs laga xoogo kaalinta 1aad ee Premier League.

Ciyaaryahanka reer Holland Bergwijn ayaa lagu qasbay inuu xaddido faallooyinka ku soo baxa boggiisa Instagram ka dib markii ay soo bateen fariimo aflagaado ah.

Hase yeeshe, Mourinho ayaa taageero buuxda u soo bandhigay ciyaaryahanka Jimcihii.

“Ma aqaano waxa aan sameyn karo marka laga reebo inuu ogaado ciyaaryahanka in kooxda ay wadajirto,” ayuu yiri.

“Marka, halkan, ma dareemeyno wax dhaliil shaqsiyeed ah. Weligeen sidaasi uma dareemeyno. Waxaan marwalba dareemeynaa inay waxkasta nagu wada saabsan yahay. Marka dhib malahan.”

Mourinho wuxuu yiri Bergwijn wuxuu ahaa “mid kamida wiilashayda”.

“Waa xirfad yahan wanaagsan, wuxuu si adag ugu shaqeeyaa kooxda, wuxuu siiyaa wax walba oo uu awoodo, taasi waa taas.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: