Wararka

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibada Malawi ayaa gaaray magaalada Hargeysa…


Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Malawi Eisenhower Mkaka ayaa gaaray magaalada Hargeysa, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Wasiirka waxaa Garoonka diyaaradaha Cigaal International ku soo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan xukuumadda maamulka Somaliland, saraakiil iyo waliba mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdigan ayaa markiiba loo gudbiyay xarunta madaxtooyada Somalilland iyadoo wariyayaasha loo diiday in ay muuqaalo ka qaataan, lamana faah faahin ujeedada socdaalka wafdiga oo la filayo in ay wahadallo la qaataan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: