Wararka

Dedaalkii Geelle iyo Abiy ayaa guuleystay kadib markii la heshiisiiyey Somalia iyo Kenya…


Dedaalkii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay inay isu keenaan labada madaxweyne, Kenya Uhurru Kenyatta, iyo Soomaaliya Maxamed Cabdalla Farmaajo, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok, kulankiina wuxuu isu bedelay kalfadhi xiran.

Waxaa lagu dhawaaqay furitaanka kalfadhiga shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee wadamada IGAD ee ka dhacay caasimada Jabuuti, kaasi oo xal looga gaaray khilaafkii u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dadaalladii ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa ka dhalatay in heshiis la dhex dhigo Kenya iyo Soomaaliya, in dib loogu laabto xiriirkii diblomaasiyadeed ee caadiga ahaa lana joojiyo dhammaan eedeymaha iyo isweydaarsiga hadalka xanafta leh ee warbaahinta ee labada dal.

Kal-fadhiga furitaanka shir-madaxeedka ayaa dib u dhacay in ka badan laba saacadood si fursad loo siiyo xal u helida khilaafaadka, dadaalkaasi ayaa ku dhamaaday in la qabto kulan dhexmara madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: