Wararka

Kulan lagu dhex dhexaadinayo madaxda Somalia iyo Kenya ayaa ka dhacay dalka Jabuuti…


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isu keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyo labada dal, kadib markii dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.

Kulankan la isugu keenay labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu hordhac u yahay kulan guud oo goordhow dhex mari doona.

Ujeedka kulankan ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha xasaasiga ah ee ay jeedinayaan labada Madaxweyne.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitterka soo dhigay Ra’iisul Wasaare Abiy ayuu ku sheegay inay ka wada hadleen xaalada gobolka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka IGAD.

Kulankan ayaa ka mid ah kulamo gaar gaar ah oo ay Madaxda IGAD yeelanayaan, ka hor furitaanka shirka 38aad ee aan caadiga aheyn, kaasoo looga hadlayo xaalada gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay ashtako ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD, waxaana ajandaha looga hadlayo shirka uu qeyb ka yahay xiisada siyaasadeed ee labada dal u dhaxeysa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12810 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: