Wararka

Markab dagaal oo Mareykan ah ayaa bilaabay howlgalka ciidamada Mareykanka looga…


Markab dagaal oo Mareykan ah iyo diyaarad ayaa bilaabay howlgalka ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya.

Militariga ayaa sheegay toddobaadkan iyagoo fulinaya amarka Pentagon in boqolaal kamid ah ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya loo raro meelo kale.

USS Hershel “Woody” Williams, oo ah saldhiga badda ee ciidamada Maraykanka ayaa taageeraya dhaqdhaqaaqa ka bixitaanka ciidamada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga.

Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa sababo la xiriira walaac xagga amniga ah, wuxuu diiday inuu sheego inta askari ee laga saarayo Soomaaliya ama goorta bixitaanka la dhameystiri doono.

AFRICOM waxay sheegtay in qiyaastii 700 oo askari dib loo geyn doono wadamada deriska la ah si ay u fuliyaan howlgalada xuduudaha ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

In kasta oo AFRICOM aysan magacaabin dalalka la geynayo ciidamada, hadana Jabuuti iyo Kenya ayay u badan tahay in loo raro marka la eego in Mareykanku dalalkaas ku leeyahay saldhigyo milatari.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: