Wararka

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in cadaadis lagu saaray in ay hoos u dhigto khilaafka kala…


Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abubakar oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shirkii madaxda urur gobolleedka IGAD ugu soo dhamaaday Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya cadaadis lagu saaaray in ay hoos u dhigto khilaafka kala dhaxeeya Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan oo hal maalin ahaa Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu soo diyaar-garoowday si ay isaga difaacdo eedeymaha uga imanaya Dowladda Kenya, balse mar walba madaxda Urur gobolleedka IGAD ku dadaalayeen in khilaafka lagu dhax -xaliyo isla Ururka dhaxdiisa.

”Annaga waan aqbalnay in khilaafka hoos loo dhiggo , laakiin waxaan ku xirnay sharuud ah in la magacaabo guddi dib u eegis ku sameeya wax-yaabaha Dowladda Soomaaliya ay ka tabaneyso Dowladda Kenya ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Abubakar ayaa sheegay in ashtakada ugu weyn ee dhinaca Dowladda Soomaaliya soo bandhigtay aheyd arrinta ku saabsan jabhada lagu tababarayo degmada Mandera oo sida uu sheegay IGAD go’aan ku gaartay in loo saaro guddi xaqiiqo raadin ah.

”Qoddobka ugu horreeya ee aan rabno in laga wadahadlo ayaa ah arrintan xudduuda ka taaggan iyo dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo dowladda Kenya, qoddobkaas ayaa muhiim inoo ahaa, wey jiraan qoddobo kale oo muhiim ah oo aan rabin in aan idinla wadaago” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa labaduba ashtako u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD iyadoo midba kan kale uu ku eedeeyay khilaafka taaggan oo gaaray ilaa heer safaaraddaha la kala rarto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12894 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: