Wararka

Maanta ayaa la filayaa in ay dalka ku soo laabtaan diblumaasiyiinta Somalia ee dalka Kenya…


Diblumaasiyiintii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta oo isniin ah dib ugu laabanaya Soomaaliya iyagoo fulinaya amarkii dowladda ee ahaa in muddo 7 cishe ah kusoo xaroodaan.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Safaaradda Soomaaliya ee Kenya albaabada loo laabay, kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay jartay xiriirkii kala dhexeeyay Kenya.

Dhammaan diblumaasiyiinta oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya Kenya ayaa tagaya Muqdisho halkaas oo ay joogi doonaan inta uu go’an yahay xiriiirka Soomaaliya iyo Kenya.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli uu dalka Jabuuti ka dhacay shir looga hadlayay khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo ay ku wada sugan yihiin madaxweynayaasha labada dal.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: