Wararka

Moussa Faki ayaa sheegay in ay welwel ku heyso xiisada diblumaasiyadeed ee Somalia…


Xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah mid walwal ku haysa Midowga Afrika, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna ku booriyay wadahadal deg deg ah oo dhaxmara labada dhinac.

Midowga Afrika wuxuu ka digay cawaaqibka arrintan ka dhalan kara, iyagoo sheegay in ay taasi khatar gelin karto amniga gobolka.

Gudoomiyaha Midoga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa ka hadlay arintan maalintii Axada intii lagu guda jiray shirkii 38aad ee Urur Goboleedka IGAD, kaasoo ka dhacay Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay tahay in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal si loo hubiyo iskaashiga gobolka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mudane Faki ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan taariikh dheer oo deris wanaag ah””Kenya, waa in la ogaadaa, in ay tahay dal ay ciidamo ku biiriyaan Amisom, isla markaana ay marti-galiso Qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa u cararay ” ayuu yiri.

Madaxda Qaarrada ayaa labada dal culeys weyn ku saaraya in ay xaliyaan khilaafkooda, waxaana maalintii shalay kulan fool ka fool ah yeeshay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo arintan ka wada hadal.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12914 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: