Wararka

Rag looga shakisan yahay Shabaabnimo ayaa la sheegay in laga soo qabtay Gaalkacyo…


Weli waxaa socdaa howlgalo ballaaran oo ay Ciidamada Dowladda ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo kadib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee galaaftay nolasha in ka badan 16 ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgal ay ka sameeyeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku soo qabteen Rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in shaqsiyaadkan la qabtay lagu waddo baaritaan la xiriira tuhunka laga qabo in ay ka tirsan yihiin ama la shaqeeyaan Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa iyagu sheegatay mas’uuliyada weearkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee isku diyaarinayay soo dhaweynta safar uu Ra’iisal Wasaare Rooble uu xiligaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: