Wararka

40 sano ka hor qof walba wuxuu doonayey inuu buurnaado si loo moodo qof maal qabeen ah…


40 sano ka hor qof walba wuxuu rabay inuu dhalo caruur badan, maanta dad badan waxay ka cabsanayaan in ay caruurba dhalaan.
40 sano ka hor caruurta waxay ixtiraami jireen waalidkooda, maanta waalidka ayaa laga rabaa inuu ixtiraamo caruurta.
40 sano ka hor guurka wuxuu ahaa mid fudud, isla markaana furiinka ayaa dhib ahaa, maanta waxaa adag inaad guursatid, hadana furiinka ayaa aad u fududaaday.
40 sano ka hor waxaan is aqoon jirnay deriskeena, laakin maanta soo galooti ayaan ku nahay deriskeena.
40 sano ka hor dadka reer baadiyaha waxay ku soo xoomi jireen magaalada si ay shaqo uga raadsadaan, laakin maanta dadka reer magaalka waxay ka cararayaan magaalada si ay u helaan meel ammaan ah.
40 sano ka hor qof kasta wuxuu doonayey inuu buurnaado si loo mooda qof maal qabeen ah, laakin maanta qof walba wuxuu doorbidayaa inuu is caateeyo si uu caafimaad u helo.
40 sano ka hor dadka maalqabeenka ahaa waxay isu ekeysiin jireen dad faqiir ah, laakin maanta kuwii faqriga ahaa ayaa isu ekeysiiya inay maalqabaan yihiin.
40 sano ka hor qof keliya ayaa reerka u shaqeyn jiray oo ku filnaa reerka oo dhan, laakin maanta kulu waa in ay wada shaqeeyaan si loo koriyo hal cunug.
40 sano ka hor dadku waxay jeclaayeen inay wax bartaan oo aqriyaan buugaagta, laakin maanta dadku waxay jecel yihiin in ay update-gareeyaan Facebook oo aqriyaan fariimaha Whatsapp-ka.
40 sano waxay aheyd 1980, waxayna u egtahay in ay shalay oo kale aheyd.

Kuwani waa xaqiiqooyin jira oo adag oo ku saabsan nolosha maanta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: