Wararka

Laacibka Real Madrid Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaalmarinta Alfredo di Stefano…


Gooldhaliyaha Real Madrid Karim Benzema ayaa helay abaalmarinta “Alfredo Di Stefano”, oo la siiyo laacibka ugu fiican Horyaalka Kubadda Cagta ee Spain, wuxuuna ku guuleystay xilli ciyaareedkii hore ee 2019-2020.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 21 gool oo ka qayb qaatay in kooxdiisu ku guulaysato horyaalka LaLiga isaga oo ka sara maray kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Benzema ayaa abaalmarintan kala wareegay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo si isku dhiib dhiib ah ugu guulaystay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2007-2008 markaas oo uu ku guulaystay xiddiga reer Spain ee Raul Gonzalez kaas oo ahaa weeraryahanka boqortooyada.

Benzema ayaa yidhi: “Waxay ii tahay wax badan aniga, waxaan dareemayaa sharaf iyo farxad, tani waa abaal marinta dadaalkeyga kooxda ilaa iyo 2009, sidii aan horay u sheegayna, abaalmarintaan waxay iga dhigeysaa mid aan raalli ku ahay … Waxaan ku biiray Real Madrid sanado badan ka hor, mar walbana waxaan ugu shaqeeyaa kooxda si aan u caawiyo.”

“Messi iyo Ronaldo, waa xaalad kale, waxay ku guuleysteen daraasiin abaalmarino shaqsi ah. Aniga ahaan, sharaf ayay ii tahay inaan ku guuleysto abaalmarintan iyaga ka dib,” ayuu yiri.

Xilli ciyaareedkaan, xiddigii hore ee Faransiiska wuxuu muujiyay muhiimada iyo qiimaha uu u leeyahay kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: