Wararka

Midowga Musharaxiinta ayaa leh kulan diirada lagu saari doono rabshadihii dhawaan ka…


Rabashadihii cuslaa ee dhawaanta ka dhacay magaalada Muqdisho kadib ayaa waxaa markii ugu horreysay kulan xasaasi ah Muqdisho ku leh Midowga Musharixiinta mucaaradka ah oo si weyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka musharixiinta diirrada lagu saari doono arrimaha doorashada iyo waliba rabashadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo degmooyinka qaar iska horimaadyo ku dhaxmareen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay abaabulayaan qorshayaal nabad-galyada ka dhan ah oo ay rabaan in ay ku carqaladeeyaan nidaamka doorashada, hase ahaatee dhinaca musharixiinta arintaa waa iska fogeeyeen.

Shirkan Muqdisho uga soconaya ayaa sidoo kale imanaya xili dowladda Soomaaliya ay ciidamo geysay qeybo badan oo ka mid ah magaalada gaar ahaan degmooyinka ay deggan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Urur gobolleedka IGAD oo shir ku yeeshay dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay xal waara ka gaaraan arrimaha doorashooyinka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: