Wararka

MW Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inuu markale yahay murashax madaxweyne doorashada…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaca ka qaaday in uu ka qaybgeli doono doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka dhaceysa 21-ka bisha April ee sanadka soo socda.

Khudbad uu ka jeediyay Telefishinka RTD ee dalka Jabuuti ayuu kaga dhawaaqay musharaxtinimadiisa doorashada ee sanadka 2021.

“Waxay ii tahay sharaf aad u weyn marka hore, ka dib wixii aan arkay ayaa aad u taabtay dareenkeyga, waxaana idin leeyahay waan idin taageersanahay, oo waan ka qaybgelaya doorashada.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo taageere-yaashiisa u sheegaya inuu markale yahay musharax Madaxweyne.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Geelle ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay, oo markaasi uu ku xaqiijinayo inuu yahay musharax u taagan jegada madaxtinimada dalkaasi ee sanadka 2021.

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay xilka loo doortay 9-kii bishii April ee sanadkii 1999-kii, iyadoona uu dalkaasi soo xukumaayay 21-kii sano ee ugu dambeysay.

Madaxweyne Geelle ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee Jamhuuriyadda Jabuuti, haddii uu ku guuleysto doorashada bisha April ee sanadka soo socda ka dhaceysa dalkaasi.

Geelle ayaa 1999-kii xilka kala wareegay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon oo dalkaasi soo xukumayay intii u dhaxeysay 1977-kii illaa 1999-kii.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12914 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: