Wararka

Ciidamo maalmo ka hor laga dejiyay Gobolka Gedo ayaa la sheegay in hub loo qeybiyey…


Ciidamadii dowladda Federaalka ee maalmo ka hor laga dejiyay Gobolka Gedo ayaa loo qeybiyay hubkii ugu badnaa, taasoo muujineysa diyaar garow dagaal.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada laga dejiyay degmada Doolow oo u badnaa kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo hub fara badan loo qeybiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda magacawday Cusmaan Nuux Xaaji iyo saraakiil kale ayaa ka soo muuqday ciidamada hubka la siiyay, iyagoo la sawiran.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Doolow ka degay boqolaal askari oo isugu jiray Ciidanka Gorgor ee uu Turkiga tababaray iyo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya inta badan ciidanka la geeyay Luuq, isla markaana loo soo gudbiyay dhanka magaalada Beled-xaawo oo maalmihii la soo dhaafay xiisad dagaal ka taagnaa.

Xiisada ka taagan degmada Beled-xaawo ayaa waxaa la sheegayaa inay qarka u saaran tahay inuu dagaal ka qarxo, waxaana dhanka degmada Mandhere ee xuduudka Kenya abaabul dagaal ka wada Ciidamo uu wato C/rashiid Janan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: