Wararka

Jadwalka diiwaan gelinta tartamayaasha doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa la…


Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal ayaa shaaciyay in jadwalka diiwaan gelinta tartamayaasha doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare uu bilaabanayo taariikhdu markay tahay 26-ka bishan December.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa loogu gudbiyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay ugu dambayn 29-ka bishan December soo gudbiyaan liiska murrashixiinta Aqalka Sare.

Guddigu waxay sheegeen in doorashada xildhibaanada Aqalka Sare lagu dhameystiri doono inta u dhaxeysa 31 december illaa 6-da January.

Tallaabada xigta waxay tilmaameen in ay noqon doonto diiwaan galinta, xaqiijinta iyo tababarida odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ee soo xulista ergada doorashada Baarlamaanka Aqalka Hoose.

Jadwalka doorashada Aqalka Sare ayaa dib u dhac uu ku yimid, iyadoo horey loogu heshiiyay in ay billaabato 1da bisha December, hase yeeshee khilaafka siyaasadeed ee doorashada ayaa suurtagalin waayay.

Shabakada Wararka,hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12894 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: