Wararka

Somalia ayaa heshiis deyn cafin ah la saxiixatay England, Denmark iyo Netherlands…


Soomaaliya ayaa heshiis deyn cafin ah la saxiixatay England, Denmark iyo Netherlands, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxiixay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in saxiixaan uu daba socda go’aankii ka soo baxay shir dhacay 31-kii Maarso 2020 oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan.

Go’aanka kasoo baxay shirkaas ayaa dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba si gooni ah uga saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen 3 dal ayaa gaareyay $69.9 million.

Soomaaliya oo lagu leeyahay shan bilyan oo dollar oo dayn ah ayaa maraysa wajiyadii ugu dambeeyay ee qorshaha dayn cafinta, waxaana horey deymo uga cafiyay dalal dhowr ah oo malaayiin dollar ku lahaa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: