Wararka

Trump ayaa ku hanjabay inuusan saxiixi doonin xeer uu ansixiyay Kongreeska oo ku saabsanaa…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay ku hanjabay inuusan saxiixi doonin xeer uu ansixiyay Kongareeska Mareykanka oo isugu jira 1.4 tiriliyan oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda iyo 900 oo bilyan oo dollar oo ah lacagaha gargaarka coronavirus.

Muuqaal fiidiyow ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter, ayuu Trump ku sheegay Talaadadi, in lacagaha ay ansixiyeen Kongareeska aysan ku filneyn shacabka Mareykanka. Xeerka ayaa u ogolanaya inta badan dadka Mareykanka ah qofkiiba lacag dhan 600 oo dollar.

Madaxweyne Trump ayaa weydiistay Kongareeska in ay kordhiyaan lacagta oo ay gaarsiiyaan qofkiiba $2,000, ama lamaane walba oo is qaba $4,000. Wuxuu kaloo ku baaqay in Kongareeska ay meesha ka saaraan waxyaabaha aanan loo bahneyn ee xeerka ku jira si uu u saxiixo.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden ayaa isna ballan qaaday inuu kaalmo lacageed siin doono dadka Mareykanka ah ee uu dhaqaalahoodu saameeyay Covid-19, marka uu yimaado xafiiska bisha Janaayo ee soo socota.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12891 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: