Wararka

Xildhibaannada DG Hirshabeelle ayaa isku raacay kordhinta xil heynta mudada maamulka…


Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isku raacay muddada xil heynta maamulka in ay noqoto 5 sano kadib fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar.

Fadhiga Baarlamaaanka waxaa soo xaadiray 70 xildhibaan waxaa aqbalay muddo xilkeedka 66 xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaanna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, taasoo ka dhigeysa in maamulka Hirshabeelle uu sii shaqeyn doono shanta sano ee soo socota.

Sababta loo kordhiyay muddo xilkeedka maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in la kala weeciyo doorashada heer Qaran iyo tan dowlad gobolleedka oo mar walba isku soo beeganta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: