Wararka

Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin reer Waqooyi ah ayaa ka horyimid war ka soo baxay guddiga…


Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa kasoo horjeestay war kasoo baxay guddiga doorashada oo shaaciyay jadwalka doorashada Aqalka Sare.

Warsaxafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in aysan doorasho qaban karin guddiga doorashada oo ay ku tilmaameen in ay yihiin guddi aan sharciyad ku imaan oo ay dowladdu soo xulatay.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in bishan dhamaadkeeda illaa 6-da bisha January ee sanadka cusub lagu dhameystirayo doorashada Aqalka Sare.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: