Wararka

Deni iyo Qoorqoor ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan ku saabsan iskaashiga labada…


Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan ku saabsan Iskaashiga labada maamul goboleed.

Labada maamul ayaa kulankooda diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga gaar ahaan dagaalka Al-Shabab iyo arrimaha doorashooyinka.

Warar aanu helnay ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Qoorqoor uu madaxweynaha Puntland kala hadlayo arrimo ku saabsan in uu isku soo dhoweeyo Puntland iyo Dowladda Federalka.

Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inay isku yimaadaan kulan ballaaran oo mar kale looga tashanayo in wax laga bedelo qodobo kamid ah heshiiskii doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: