Wararka

Jabuuti ayaa bilowday dadaalo ay isugu soo dhaweyneyso Dowladaha Somalia iyo Kenya…


Jabuuti ayaa bilowday dadaalo ay isugu soo dhaweyneyso Dowladaha Somalia iyo Kenya, oo xiriirkooda diblomaasiyadeed uu gaaray halkii ugu hooseysay.

Jabuuti ayaa sheegtay in Urur Goboleedka IGAD uu u wakiishay inay xal u raadiso xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Djibouti ayaa sheegay in Jabuuti laga dalbaday xal u helidda xiisadda ku soo korortay gobolka.

“Waxaan aaminsanahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka, shirkii ugu dambeeyay ee IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaana lagu go’aamiyay inaan sii wadno dejinta xiisadda ka taagan gobolka.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Khamiista waxaa dalka Jabuuti imaanaya wafdi heer sare ah oo isugu jira Saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin, kuwaa ka imaan doona Somalia.” Ayuu yiri Wasiirka.

Isagoo ka hadlayay ujeedada socdaalka ee wafdiga Somalia ayaa waxa uu yiri “Ujeedada socdaalka ayaa waxa uu ahaan doonnaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda Beled Xaawo iyo Mandhera, waana hawl ay u igmadeen Madaxda IGAD Jabuuti in ay ka shaqeyso hawlaha ama xiisadda ka taagan xadka Somalia iyo Kenya.”

Xukuumadda Muqdisho ayaa 14-kii bishan xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Nairobi, ka dib markii ay ku eedeysay in fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: