Wararka

Koox dabley ah ayaa weeraray tuulo ku taala gobolka Benishangul-Gumaz oo ku dilay…


In ka badan 100 ruux ayaa la dilay kadib markii koox dabley ah oo heybtooda la aqoon weerareen tuulo ku taala gobolka Benishangul-Gumaz ee dalka Itoobiya.

Weerarka ayaa dhacay maalin kadib markii Ra’iisul wasaare, Abiy Ahmed, uu booqday gobolka uu weerarkan ka dhacay.

Dadkan ayaa la sheegay in qaarkood la toogtay halka kuwa kalana lala dhacay tooreey, iyadoo marka laga soo tago dhimashada sidoo kale in ka badan 30 ruux la dhiggay goobaha caafimaadka kuwaa oo qaba dhaawacyo kala duwan.

War ka soo baxay guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taal aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.

“In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar dab iyo toogasho isugu jira oo ay geysteen rag hubaysan Arbacadii”, guddiga ayaa yiri.

Waa dhimashadii ugu ballaarneyd oo mar kaliya laga geysto gobolka, waxaana weerarkan uu la kulmay cambaareyn kala gadisan oo dhinacyo badan ka imaneysa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: