Wararka

Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ku kala…


War murtiyeed ayaa kasoo baxay shir maanta magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, Siciid Deni iyo Axmed Qooroor.

Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhowayn lahaa dhinacyada ku kala aragtida duwan hannaanka doorashada Soomaaliya ee muranku ka taagan yahay.

Labada maamul waxay sidoo kale ku heshiiyeen in ay iskaashi wadajir ah ka yeeshaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha Al-Shabab iyo Daacish, si loo xoojiyo amniga gudaha labada maamul ee deriska ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: