Wararka

Xasan Sheekh Maxamuud: Dalkan wuu ka soo gudbay xiligii lagu xukumi jiray digreeto…


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabadii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay xeer dib u dhiggaya wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka dalka.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay saxiixa madaxweynaha mid aan sharciyada meelna ku laheyn, isaga oo intaa ku daray in ay ka dhigan tahay in gabi ahaanba la laalay Dastuurkii dalka.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayuu Xasan Sheekh sheegay in dalkan aan lagu celin karin Digireeto wax lagu xukumo.

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka December 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta rasmiga ah.

Xasan Sheekh”Shalay labada aqal inay wadajir u kulmaan ayey aheyd oo ay ka hadlaan arrinta dastuurka oo aan ka hadlay 12-kii bishan balse Farmaajo wuu hor istaagay xalayna digreeto aan sharci ahayn ayuu soo saaray”

”Waxaan u argnaa in Digteytarnimada dhismaheeda uu dabaq kale ku sii darray, dalkan wuu ka soo gudbay xiligii lagu xukumi jiray Digreeto ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imanaya xili siyaasada dalku aysan degeneyn siweynna leysugu maan-dhaafsan yahay hanaanka loo marayo doorashada dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: