Wararka

Mac-hadka Heritage ayaa ku qabanaya gudaha Somalia shirkii ugu horeeyey ee arrimaha…


Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta magaalada Garowe kusoo dhoweeyay guddoomiyayaasha labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

Labada guddoomiye ayaa Garowe u tagay ka qeyb galka shirka aragti-wadaaga Soomaaliya oo todobaadkaan lagu qaban doono magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa qabanaya mac-hadka Heritage, waana markii ugu horaysay oo lagu qabanayo Soomaaliya meel kamid ah, iyadoo loo sababeynayo cudurka Corona Virus awgiis.

Dalka Jabuuti ayaa lagu qaban jiray sanad kaste.

Shirkaan ayaa looga hadli doona marxalada kala guurka Soomaaliya, waxaana isku arki doona dadka siyaasada isku diidan sida Dowladda Federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo murashixiinta madaxtinimada.

Shirkaan kama qeyb gali doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa, hase ahaatee waxaa la filayaa inay xukuumadu u soo dirsato Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca dowlad goboleedyada waxaa la sheegay inuusan kasoo qeyb gali doonin madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12809 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: